Abaa Mundiroow, ma og tahay aayada ugu wayn kitaabka Ilaahay ee aad hayso?) wuxuu yiri: waxaan iri:{ الله لاإله إلا هو الحيّ القيّوم} [البقرة:255]. wuxuu yiri: laabtuu igu dhuftay, wuxuuna yiri: Abaa mundirow Ilaahay cilmi ayuu kuu hibeeye...

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Ubaya Binu Kacab Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri: (Abaa Mundiroow, ma og tahay aayda ugu wayn kitaabka Ilaahay ee hayso?) wuxuu yiri: waxaan iri: Allaah iyo Rasuulkiisaa og. wuxuu yiri: (Abaa Mundiroow, ma og tahay aayada ugu wayn kitaabka Ilaahay ee aad hayso?) wuxuu yiri: waxaan iri:{ الله لاإله إلا هو الحيّ القيّوم} [البقرة:255]. wuxuu yiri: laabtuu igu dhuftay, wuxuuna yiri: Abaa mundirow Ilaahay cilmi ayuu kuu hibeeyey))
Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Muslim.

Sharaxaad

Nabiga scw wuxuu waydiiyey Ubaya Binu Kacab aayada ugu wayn kitaabka Ilaahay, jawaabtii wuu ka laalaabtay ka dibna wuxuu yiri: waa aayatul-kursiga: {الله لا إله إلا هو الحيّ القيّوم }, Nabiguna wuu ku ayiday, wuxuuna Nabigu scw ku dhuftay laabtiisa isago u ishaaraya inuu ka buuxdo cilmi iyo xikmad, wuxuuna ugu duceeyey inuu ku liibaano cilmigaan Ilaahayna u fududeeyo.

Benefits from the Hadith

  1. waa sifo wayn oo fiican oo loo qiray Ubaya Binu Kacab Allaha ka raali noqde.
  2. Aayatul kursigu waa aayada ugu wayn kitaabka Ilaahay sareeye, waxaa haboon in la xifdiyo oo lagu tadaburo macnaheeda, laguna camal falo.

Categories

Successfully sent!