(Ha ka dhigina guryihiina qabuur oo kale, shaydaanku wuu ka cararaa guriga suuratul-baqara lagu akhriyee)

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade wuxuu Rasuulka scw ka wariyey inuu yiri: (Ha ka dhigina guryihiina qabuur oo kale, shaydaanku wuu ka cararaa guriga suuratul-baqara lagu akhriyee).
Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Muslim.

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu reebay in guryaha laga qadiyo salaada oo ay noqdaan sida qabuurta aan lagu tukan. Ka dibna Nabigu scw wuxuu sheegay in shaydaanku ka cararo guriga lagu akhriyo suuradda baqara.

Benefits from the Hadith

  1. Waa sune in la badiyo cibaadada iyo salaada sunaha ah ee guryaha lagu tukado.
  2. Ma banaana in lagu tukado qabuurta, waayo waa waxyaabaha keena shirkiga iyo in dadku ku xad gudbaan qubuurta, salaada janaasada wax ka baxsan lama ogola.
  3. Reebida in qubuurta lagu tukado wuxuu ka sugnaaday asxaabtii, sidaa daraadeed Nabigu scw wuxuu reebay in guryaha laga dhigo sida qubuurta aan lagu tukan.

Categories

Successfully sent!