(Qofka akhriya xaraf ka mid ah kitaabka Ilaahay wuxuu ka halayaa hal xasano, halka xasano waxay u dhigantaa toban laabkeed

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Cabdullaahi Binu Mascuud Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri: (Qofka akhriya xaraf ka mid ah kitaabka Ilaahay wuxuu ka halayaa hal xasano, halka xasano waxay u dhigantaa toban laabkeed, ma oranaayo {ألم} waa xaraf, laakiin Alifku waa xaraf, oo laamku waa xaraf, oo miimku waa xaraf).
Xadiis Saxiix ah. - Waxaa wariyay At-tirmidi

Sharaxaad

Rasuulku scw wuxuu sheegay qof kastoo muslim ah oo akhriya xaraf kitaabka Ilaahay ka mid ah, inuu ka helaayo hal xasano, kaasoo ajarka loo laalaabayo toban laabkeed. Rasuulku scw wuxuu ku cadeeyey hadalkiisaa isagoo dhahay: (ma dhahayo alif laam miim) waa xaraf, laakiin alifku waa xaraf, laamku waa xaraf, miimkuna waa xaraf): waxay ahaanaysaa saddex xaraf oo soddon xasano laga helayo.

Benefits from the Hadith

  1. Waxaa laysku boorinayaa in la badiyo akhrinta Qur'aanka.
  2. Qofka akhrinaya quraanka wuxuu ka helayaa xaraf kastoo ee ku jira kalimad walba ee uu akhriyo hal xasano taasoo loo laalaabayo toban laabkeed.
  3. Waa Ilaahay raxmadiisa waasac nimadeeda iyo deeqdiisa, waayo wuxuu u laban laabay adoomadiisa ajarka, waana fadligiisa, iyo deeqsinimadiisa.
  4. Qur'aanku wuu ka fadli badan yahay wixii qayrkiisa ee hadal ah, akhrintiisaana Ilaahay ayaa lagu caabudaa, waayo waa hadalkii Ilaahay sareeye.

Categories

Successfully sent!