(Qofka Ahlu Qur'aanka ah waxaa lagu oran: akhri oo kor u soco, oo ku luuqee sidaad ugu luuqayn jirtay aduunka, gurigaagu waa halka aayada ugu dambaysa aad ku akhrido))

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Cabdullaahi Binu Camar Binu caas Allaha ka raali ahaado isagiyo aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri: (Qofka Ahlu Qur'aanka ah waxaa lagu oran: akhri oo kor u soco, oo ku luuqee sidaad ugu luuqayn jirtay aduunka, gurigaagu waa halka aayada ugu dambaysa aad ku akhrido)).
Xadiis Xasan ah. - Waxa wariyay Abuu Daa'uud.

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay in lagu oran doono qofka Qur'aanka akhriya, kuna camal fala, ee laasima akhrintiisa iyo xifdintiisa markuu janada galayo: Qur'aanka akhri oo kor ugu soco darajooyinka janada, kuna luuqee sidaad ugu luuqayn jirtay akhrintiisa aduunka, u akhri si dagan oo xasilooni leh, gurigaagu waa halka ay kaaga dhammaato aayada ugu dambaysa akhriskeedu.

Benefits from the Hadith

  1. Abaal marintu waxay waafaqsan tahay camalka la qabto tiro ahaan iyo tayo ahaanba.
  2. Waxaa la isku booriyey Qur'aanka akhrintiisa, itqaanintiisa, xifdintiisa, tadaburkiisa, iyo ku camal falkiisa.
  3. Janadu waa guryo iyo darajooyin badan, dadka Ahlu Qur'aanka ahi darajooyinka ugu sareeya ayey dagayaan.

Categories

Successfully sent!