{waan idin waydiindoonaa maalinta qiyaamaha nicmooyinka Ilaahay idinku galadaystay}

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Zubayr Binu Cawaam Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Markay soo dagtay: {waan idin waydiindoonaa maalinta qiyaamaha nicmooyinka Ilaahay idinku galadaystay} [ suuradda takaasur:8], wuxuu yiri Zubayr: Rasuulka Alloow, nicmooyinkee nala waydiinayaa, ma labada madmadaw ee timirta iyo biyahaa? wuxuu yiri: sidaas ayey noqon".
Xadiis Xasan ah. - Waxaa wariyay At-tirmidi

Sharaxaad

markey soo degtay aayadda {Waa la idin waydiin maalinta qiyaamaha nicmooyinkan}, waa la idin waydiin inaad la timaadeen mahadnaqa nicmooyinka Ilaahay idinku galadaystay, Zubayr Binu AlCawaam ayaa yiri -Allaha ka raali ahaade: Rasuulka Alloow scw, nicmooyin kee ayaa nalawaydiin doonaa?! waxaanba haysanaa waa laba nicmoo su'aalba mudnayn in wax nalaga waydiiyee kuwaasoo ah timirta iyo biyaha! Nabigu scw wuxuu yiri: adinka waa la idin waydiin doonaa nicmooyinka xataa xaaladan aad ku sugan tihiin imika, waayo labadani waa labo nicmo oo waawayn oo nicmooyinka Ilaahay ka mid ah.

Benefits from the Hadith

  1. Waxaa la adkeeyey in Ilaahay sareeye looga mahadnaqo nicmooyinka badan.
  2. Nicmooyinka waa la waydiin adoonka maalinta qiyaamaha ha yaraato ama ha badnaatee.

Categories

Successfully sent!