Sharaxaad
Asaxaabta waxaa tujiyey Abu Muusa Alashcari Allaha ka raali ahaade, markuu soo gaaray fadhiga lagu ataxiyaadsado, nin dadka la tukanaayey ayaa gadaashiisa ka yiri: Quraanku wuxuu salaada la xiriiriyey Biriga iyo Sakada, markii abu Muusa ka baxay salaadii ayuu xagga dadka u soo jeestay oo yiri: kumaa yiri hadalka: Quraanku wuxuu la xiriiriyey salaada Biriga iyo Sakada?! dadkii waa aamuseen, oo qofna ma hadalin, mar labaad ayuu ku celiyey su'aashii, markuu qofna u jawaabi waayey ayuu yiri abu Muusa: malaha adaa yiri Xadaanow! dhiiranidiisa iyo u dhawaantiisa ayuu sidaa ugu yiri iyo Qaraabanimadooda, taasoo aan dhib ku jirin haduu ku tuhmo, iyo inuu qirto kii hadalka yiri, Xadaana wuu iska leexiyey hadalka, wuxuuna yiri: waxaan ka baqay inaad igu canaanato adoo aniga ii malaynaya, markaasuu nin dadka ka mid ahaa yiri: anaa iri, waxaan khayr ahayna ulama jeedin, abu Muusaa wuxuu yiri: isagoo baraya ninkaa: miyeydaan aqoon waxaad oronaysaan markaad tukanaysaan?!, waana hadal uu ku diidanaa in sidaa la dhoho marka la tukanaayo, Abu Muusa wuxuu u sheegay in Nabigu scw mar u khudbeeyey, una cadeeyey shareecadooda, salaadoodna baray, oo uu yiri:
Markaad salaadda ukacdaan toosiya sufuufta salaadda, salaaddana hatukiyo dadka mid ka mid ahi, markuu imaamku takbiirsado (salaadda xidho) sidiisa u takbiirsada, markuu faatixada akhriyo ee uu gaadh {غير المغضوب عليهم ولا الضالين}
[al-faatixa:7], dhaha: Aamiin, markaad samaysaan sidaa Alle wuu aqbali ducadiina, markuu takbiirsado ee uu rukuuco idinkuna takbiirsada oo rukuuca, imaamku hortiin buu rukuucaa hortiinna wuu kasoo toosaaye, waxna hakala hormarina imaamka, waayo waqtiga yaree uu idinkala horreeyo imaamku rukuucda waxuu kabayaa ka dambaynta aad kala dambay naysaan rukuucda, waqti yar, waqtigaa yareed ka dambay naysaan waxaa buuxinaya waqtigaa yaeree uu idin kala horraynayo, waxuuna ahaanayaa qaddarka rukuucdiinnu mid la mid ah qaddarka rukuucdiisa, markuu imaamku dhoho: samicallaahu liman xamidah (Alle wuu maqlaa kuwa ku xamdiya), dhaha: Allaahumma Rabbanaa lakal xamdu(Allahayoow Rabbigayoow aday mahadi kuu sugnaatay), markay dadku dhahaan sidaa, Illaahey isagaa nusqaan ka hufane, wuumaqlaa ducadooda, iyo hadalkooga, Illaahey Isagaa nusqaan ka hufane waxuu ku yidhi carrabka nabigiisa muxammad ah-naxariis iyo nabadi korkiiye-: wuu maqlaa Illaahey midka ku xamdiya, haddana markuu imaamku takbiirsado ee uu sujuudo, waxaa ku waajib ah kuwa ku xidhan ee la tukanaaya inay takbiirtaan oy sujuudaan, waayo imaamku hortoodbuu sujuudayaa, hortoodna wuu kasoo toosayaa sujuudda, qaddarkaa yareed kala dambaysaan waxaa buuxinaya qaddarkaa uu idinkala horreeyo, waxuuna ahaanayaa qaddarka sujuudda ee ma'amuumka imaamkiisa ku xidhan mid le'eg qaddarka uu imaamku sujuudo, marka uu fadhiga ataxiyaadka soo gaadho ha ahaado hadalka ugu horreeya uu dhahayo: "Ataxiyaatu-saalaamo-Addayibaato-wanaagyo-salaado Illaahey bay u sugnaadeen" mulki iyo boqornimo, jiritaan iyo baaqinnimo, waynaan iyo deeqsi nimo, dhammaan teed Alle keligii ayaa xaq u yeeshay, sidaasoo kale salaadaha shanta ahina Illaahey keligii ayaa xaq u yeeshay, "Asalaamu calayka ayuha Nabiyo waraxmatu llaah wabara kaatuh, asalaamu calaynaa wacalaa cibaadillaahi saalixiina", Illaahey barya isagaa ceeb oo dhan iyo nusqaan iyo fasahaadba ka hufane, Nabiga Muxammad ahna waxaan u gaar yeelaynaa salaan iyo nabad gelyo, haddana waxaan salaamaynaa addoomada Alle ee saalixiinta ah, ee ku taagan waxa uu Alle ku waajibiyey ee xuquuqda Alle iyo kuwa addoomadiisaba, waxaan qiraynaa inaanu jirin ilaah xaq lagu caabudo oon Alle wayne ahayn, Nabi Moxammadna yahay addoonkiisa iyo rasuulkiisa uu khalqiga usoo diray.