Bilaalow, salaada aqiim oo noogu raaxee

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Saalim Binu Abii Jacdi Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: nin ayaa yiri: shalaytadaydee maan tukado oo aan nasto, waaba iyadoo aad moodid inay arinkaa ku ceebeeyeen, wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw waxaan maqlay isagoo dhahaya: "Bilaalow, salaada aqiim oo noogu raaxee".
Sahih/Authentic. - Abu Dawood

Sharaxaad

Nin asaxaabta ka mid ahaa ayaa yiri: shalaytadaydee maan tukado oo aan raaxaysto, dadkii la fadhiyey ayaa arinkaa ku ceebeeyey, wuxuu yiri: Nabiga scw ayaan ka maqlay isagoo dhahaya: Bilaalow! kor u qaad aadaanka oo salaada aqim, si aan ugu raaxaysano, taasina waa waxa ku jira salaada ee ah Ilaahay la sheekaysigiisa iyo raaxada ruuxda iyo qalbiga.

Benefits from the Hadith

  1. Raaxada qalbigu salaaday ku jirtaa, waayo waxaa ku jira salaada Ilaahay la sheekaysigiisa.
  2. Waa in lagu inkiro qofka cibaadada ka caga jiida.
  3. Qofka guta waajibka saaran, ee masuuliyada saaran ka soo baxa, wuxuu helayaa oo uu dareemayaa raaxo iyo xasilooni.

Categories

Successfully sent!