Hadii midkiin soo galo masaajidka ha dhoho: Allahayow iifur albaabada naxariistaada, haduu baxayana ha dhoho: Allahayow waxaan ku waydiisanayaa fadligaaga

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abii Xamiid ama Abii Usayd wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri: "Hadii midkiin soo galo masaajidka ha dhoho: Allahayow iifur albaabada naxariistaada, haduu baxayana ha dhoho: Allahayow waxaan ku waydiisanayaa fadligaaga ".
Sahih/Authentic. - Muslim

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu ku booriyey ummaddiisa ducada la oranaayo marka masaajidka la soo galayo:(Allahayow ii fur albaabada naxariistaada), oo Ilaahay la waydiisto inuu u diyaariyo asabaabta lagu helo naxariistiisa, markuu qofku damco inuu ka boxo masaajidkana uu dhoho: (Allahayow waxaan ku waydiisanayaa fadligaaga), oo Ilaahay uu waydiisto fadligiisa uuna u siyaadiyo ixsaankiisa ay ka mid tahay irsaaqada xalaasha ah.

Benefits from the Hadith

  1. Waa suno in lagu ducaysto ducadan marka masaajidka la galayo iyo marka laga baxayaba.
  2. Waxaa loogu gaar yeelay raxmada waqtiga galitaanka masaajidka, fadligana waqtiga laga bixiyo: waa in qofka sii galaya masaajidka uu ka shaqaynaayo wax u dhawaynaya Ilaahay iyo janadiisa markaasay munaasab u noqotay in la xuso raxmada, haduu ka boxo masjidkana wuu shaqo tagayaa isago raadinaaya Ilaahay fadligiisa risqigu ka mid yahay, markaas ayey munaasab noqotay in fadliga la xuso.
  3. Adkaartaan waxaa la oranayaa marka la rabo in masjidka la galo, iyo marka la rabo in laga soo boxo masjidka.

Categories

Successfully sent!