Sharaxaad
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu sheegay in istiqfaartu ay leedahay Ereyo, kuwa ugu fadliga badana ay yihiin inuu Addoonku dhoho: ''Allahayow, adaa Rabigay ah, ilaah aan adiga ahayni majiro, waad i abuurtay ana addoonkaagaan ahay, waxaanan ku jiraa ballankaagii iyo ballan qaadkaagii inta aan awoodo, waxaan kaa magan galayaa sharka aan sameeyo dhibkiisa, waxaan kuu ogsoonahay oo qiraya nicmooyinka aad i siisay, waxaan qirsanahay dambigayga, Allahayow ii dambi dhaaf, mid aan Adiga ahayn oo dambiga dhaafi karaa majiree'' Marka hore addoonku wuxuu u qirayaa towxiidka, iyo in Ilaahay abuuray oo uu caabudayo isagoon cidna la wadaajin, oo addoonku ku kusugan yahay wixii uu Ilaahay kula ballamay ee iimaan iyo u hoggaansan Ilaahay ah kolba inta Awooddiisu tahay, waayo addoonku sikasta oo uu u cibaadaysto haddana lama iman karo dhamaan wixii Ilaahay faray ee cibaado ah, iyo inuu guto mahadnaqii looga baahnaa ee nicmooyinka Ilaahay, addoonku llaahay buu cuskadaa, diintiisana qabsadaa, Isaguuna addoonku ka hoos galaa sharka ay naftiisu samayso Ilaahay ayuu u qirayaa nicmada uu siiyey, wuxuu naftiisa ula noqonayaa inuu qirto oo citiraafo gafkiisa iyo dambigiisa. Codsigaa uu Ilaahay u jeediyey ka dib, Addoonku wuxuu Ilaahay ka baryayaa inuu u dambi dhaafo, oo uu u asturo dambiyadiisii oo kaga nadiifiyo dembiyada cafiskiisa, fadligiisa iyo naxariistiisa, waayo cid aan Ilaahay wayne kor ahaaye ahayn oo dambiyada addoomada dhaafi karta majirto. Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu sheegay inay ka mid tahay wardiga subaxa iyo habeenka, qofka akhriya bilawga maalinta isagoo yaqiinsan macneheedana dhadhan sanaya rumaysana, inta u dhaxaysa qorax soo baxa ilaa sawaalka -oo ah markay bartamaha samada u yara dhaafto wax yar qorraxdu xagga qorrax dhaca-, waana waqtiga maalinimada ah ee sidaa ku dhinta janaduu galayaa. Qofka habeenka akhriyana, waana qorax dhaca ilaa soo bixitaanka fajarka, oo sidaa ku dhinta intaanu waabariisan janaduu galayaa.