Ducada Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- waxaa ugu badnaa "Allahayow, Rabiyow, Adduunka nagu sii kheyr, Aakhirana nagu sii kheyr, nagana ilaali cadaabta naarta-ee Aakhiro

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Anas Allaha ka raalli noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Ducada Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- waxaa ugu badnaa "Allahayow, Rabiyow, Adduunka nagu sii kheyr, Aakhirana nagu sii kheyr, nagana ilaali cadaabta naarta-ee Aakhiro."
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ahaa mid badiya ducada ducooyinka kulmisa, waxaana ka mida: ''Allahayow, Rabiyow Adduunka nagu sii khayr, Aakhirana nagu sii khayr, cadaabta naartana naga dheeree'', Ducadaasi waxay koobaysaa xasanada adduunka ee ah risiq wanaagsan oo waasic ah, xaas wanaagsan, ubad indhuhu ku qabawsadaan, raaxo iyo cilmi wax tar leh, camal saalix ah, iyo waxa la mida ee wax yaabaha wanaagsan ee la jecel yahay ah ee mubaaxa ah, xasanada aakhirana waa ka badbaadka ciqaabta aakhiro ee qabriga, marka la taagan yahay maxsharka,, naar, helitaanka Raalli ahaanta Ilaahay, ku guulaysiga nicmada joogtada ah, iyo Rabiga Raxiimka ah oo lagu dhawaado.

Benefits from the Hadith

  1. Waxaa sunne ah in lagu ducaysto ducada kulmisa ducooyinka , iyadoo looga dayanaayo Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-.
  2. Waxaa ugu kaamilsan in qofku ducadiisa ku kulmiyo khayrka Adduunyada iyo khayrka Aakhiraba.

Categories

Successfully sent!