Nin ayaa bidixda ku cunay Rasuulka agtiisa-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, wuxuu Rasuulku scw ku yiri: "midigtaada ku cun", wuxuuse yiri: ma awoodo, wuxuu Rasuulku scw yiri: " ha awoodin

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Salama Binu Alakwac-Allaha ka raali ahaadee-: Nin ayaa bidixda ku cunay Rasuulka agtiisa-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, wuxuu Rasuulku scw ku yiri: "midigtaada ku cun", wuxuuse yiri: ma awoodo, wuxuu Rasuulku scw yiri: " ha awoodin ", kibir baa u diiday, wuxuu yiri: mar danbe gacantiisii afkiisa uma qaadin, .
Sahih/Authentic. - Muslim

Sharaxaad

Nabiga ayaa arkay-naxariis iyo nabadi korkiisa aha ahaatee-nin bidixda wax ku cunaaya, wuxuuna amray inuu midigtiisa ku cuno, Wuxuu ku jawaabay inuusan awoodin isagoo ay kibir iyo been ka tahay! Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ku habaaray inuu kari waayo midigta inuu wax ku cuno. Ilaahayna wuu aqbalay habaarkii Nabigiisa oo waxaa qalashay midigtiisii, mana awoodin inuu afkiisa gaarsiiyo intaa ka dib cunto iyo cabitaanba.

Benefits from the Hadith

  1. Waxaa waajib ah in midigta wax lagu cuco, waana xaaraan in bidixda wax lagu cuno.
  2. Qofka iska waynaysiiya ku dhaqanka axkaanta shareecada islaamka wuxuu mudan yahay in la ciqaabo.
  3. Ilaahay wuxuu ku karaameeyey Nabigiisa-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-inuu habaarkiisa aqbalay.
  4. Farida wanaaga iyo reebida xumaha waa waajib shareecadu fartay, xaalad kastoo lagu jiro, xataa waqtiga cuntada.

Categories

Successfully sent!