(qofka Qur'aanka kor u akhriya wuxuu la mid yahay qofka sadaqada muujiya, qofka Quraanka siraystan wuxuu la mid yahay qofka sadaqada siraystay)

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Cuqba Binu Caamir AlJuhani Allaha ka raali noqde waxaa laga wariyy nuu yiri: Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu yiri: (qofka Qur'aanka kor u akhriya wuxuu la mid yahay qofka sadaqada muujiya, qofka Quraanka siraystan wuxuu la mid yahay qofka sadaqada siraystay).
Sahih/Authentic. - Abu Dawood

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay qofka muujiya Qur'aanka akhrintiisa inuu la mid yahay qofka muujiya sadaqada bixinteeda, qofka akhrinta Qur'aanka qarsadana uu la mid yahay qofka sadaqada bixinteeda qarsada.

Benefits from the Hadith

  1. Qur'aanka akhrintiisa in la qariyo ayaa fadli badan, sida qarinta sadaqaduba ay u fadli badan tahay, waayo waxaa ku jira ikhlaas iyo iyado laga fogaado istustus iyo is cajabin, inay dan iyo maslaxadi keento muujintiisa mooye, sida barida Qur'aanka.

Categories

Successfully sent!