Janada galimaysaan ilaa aad rumaysaan, rumayna maysaan ilaa aad is jeclaataan, ma idin tusaa wax hadaad samaysaan aad is jeclaanaysaan? salaanta dhexdiina ku faafiya

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abii Hurayra -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: "Janada galimaysaan ilaa aad rumaysaan, rumayna maysaan ilaa aad is jeclaataan, ma idin tusaa wax hadaad samaysaan aad is jeclaanaysaan? salaanta dhexdiina ku faafiya."
Sahih/Authentic. - Muslim

Sharaxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey inaysan janada galeyn cidaan mu'uminiinta ahayni, iimaankuna ma dhamaystirmo mana hagaagayo xaalka muslimiintu ilaa ay is jeclaadaan. Ka dibna wuxuu ku booriyey Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee -wax yaabaha ugu fiican ee is jacaylka keena, waana salaanta oo muslimiinu lagu faafiyo, taasoo Ilaahay uu ka dhigay salaanta adoomadiisa ay ku salaamaan.

Benefits from the Hadith

  1. Janada laguma galo wax aan Iimaan ahayn.
  2. Iimaanka kaamilnimadiisa waxaa ka mida in qofka muslimkaahi la jeclaado walaalki waxa uu naftiisa la jecel yahay.
  3. Waa suno in salaanta la faafiyo oo muslimiinta la salaamo, waayo faafinta salaanta dadka waxay u keenaysaa is jacayl iyo amaan.
  4. Salaanta laguma salaami karo qof aan Muslim ahayn, waayo Nabigu scw wuxuu yiri: " dhexdiina".
  5. salaanta oo la joogteeyo waxay meesha ka saartaa is naca dadka, kalategga, iyo caloolxumada dadka dhexdiisa taalla.
  6. Ahmiyad ayey leedahay is jeclaanta Muslimiintu waxayna ka mid tahay iimaanka kaamilnimadiisa.
  7. Xaddiis kale waxaa ku soo arooray, qaabka salaanta buuxda: "Asalaamu calaykum wa raxmatu Allaahi wa barakaatuh", waxaana ku filan: ''Asalaamu calaykum''.

Categories

Successfully sent!