Salaada lagu tukado masajidkaygan waxay ka khayr badan tahay kun salaadood oo lagu tukaday masaajida kale ee isaga kasoo haray marka laga reebo masajidka xaramka

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade wuxuu ka wariyey Nabiga scw inuu yiri: "Salaada lagu tukado masajidkaygan waxay ka khayr badan tahay kun salaadood oo lagu tukaday masaajida kale ee isaga kasoo haray marka laga reebo masajidka xaramka".
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu cadeeyey fadliga ay leedahay salaada lagu tukado masajidkiisa, iyo inay ka fadli badan tahay kun salaadood oo masaajida kale ee dhulka, ee aan ahayn masajidka xaramka Makkah, waayo masaajidka xaramka Makkah salaada lagu tukadaa way ka fadli badan tahay tan lagu tukado masjidka Nabiga scw.

Benefits from the Hadith

  1. Ajarka salaada lagu tukado masaajidka Xaramka iyo masaajidka Nabiga waa lalaalaabaa.
  2. Salaada masaajidka Xaramku waxay ka fadli badan tahay boqol kun oo salaadood oo masaajida kale lagu tukado.

Categories

Successfully sent!