Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-ayaa nagu soo baxay, waxaanan ku niri: Rasuulka Ilaahayow, waan baranay sidaan kuu salaamaynee, sideen kuugu sallinaa?

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Caburraxmaan Binu Abii Leylaa wuxuu yiri: waxaan la kulmay Kacab Binu Cujrah, wuxuuna igu yiri: hadiyad makusiiyaa? Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-ayaa nagu soo baxay, waxaanan ku niri: Rasuulka Ilaahayow, waan baranay sidaan kuu salaamaynee, sideen kuugu sallinaa? wuxuu yiri: "waxaad dhahdaan: Allahayow u naxariiso Maxamad iyo Ehelada Maxamadba, sida aad ugu naxariisatay Ibraahim iyo Ehelada Ibraahim, adigu waxaad tahay Ilaahii mahad badan oo sharaf badane, Allahayow barakee Maxamad iyo Ehelada Maxamad, sida aad u barakaysay Ibraahim iyo Eheladiisa, waxaad tahay Ilaahii mahad badan oo sharaf badane."
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Waxay weydiiyeen asaxaabtu Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- qaabka loogu sallinayo isaga? ka dib markay Ataxyaadka ku barteen sida ay u salaamayaan Nabiga scw: ((salaani korkaaga ha ahaato Nabi yahow iyo naxariista Ilaahay iyo barakadiisu...))? Wuxuu u sheegay Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- sida loogu sallinayo, iyo macnaheedaba: ((Allahayow u naxariiso Maxamad iyo Ehelada Maxamadba)) macnaheedu waa: Allahayow ku amaan hadal wanaagsan malaa'igtaada agteeda Maxamad iyo kuwa diintiisa raacay iyo mu'uminiinta qaraabadiisa ah. ((sida aad ugu naxariisatay Ehelada Ibraahim)) Sida aad naxariistaada u siisay Ehelada Ibraahim-nabadi korkiisa ha ahaatee-oo ah: Ibraahim, Ismaaciil, Isxaaq, caruurtoodii iyo kuwa raacay ee mu'uminiinta ah, Maxamadna gaarsii galladdaada-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-. ((waxaad tahay Ilaah mahad badan oo sharaf badane)) Ilaahow waxaa la mahadiyaa adiga, sifooyinkaaga, iyo ficilkaaga, Ilaahow way balaaran tahay waynaantaadu, boqor tooyadaadu iyo wax bixintaaduba. ((Allahayow barakee Maxamad iyo Eheladiisaba, sida aad u barakaysay Ehelada Ibraahim)) Ilaahayow Nabiga scw sii kheyrka iyo karaamada tan ugu wayn oo u siyaadi una sug.

Benefits from the Hadith

  1. Dadkii hore ee salafu saalixa ahaa waxay ahaayeen kuwo isku hibeeya masalooyinka cilmiga ah.
  2. Waa waajib salliga Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- in lagu akhriyo ataxiyaadka dambe dhexdiisa.
  3. Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuu baray asaxaabtiisa sida loo salaamayo iyo sida loogu sallinayo isaga.
  4. Qaabkan aan soo marnay waa qaabka ugu kaamilsan ee Suubbanaha loogu salliyo-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-.

Categories

Successfully sent!