Fara caruurtiina salaadda markay gaaraan toddoba sano, kuna garaaca haday ka tagaan salaadda iyagoo toban jir ah, una kala duwa meesha ay seexanayaan

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Camar Binu Shuceyb wuxuu Aabihii ka wariyey Aabihiina awowgi ka wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: "Fara caruurtiina salaadda markay gaaraan toddoba sano, kuna garaaca haday ka tagaan salaadda iyagoo toban jir ah, una kala duwa meesha ay seexanayaan."
Sahih/Authentic. - At-Tirmidhi

Sharaxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey inay waajib ku tahay Aabaha inuu amro caruurtiisa wiilal iyo gabdho salaadda, markay da'ada gaaraan toddoba sano, oo uu baro caruurta siday u takan lahaayeen. markay gaaraan toban sano wuxuu ugu darayaa, inuu ku garaaco hadday ka gaabiyaan salaada, waana in loo kala duwo firaashka ay ku seexanayaan.

Benefits from the Hadith

  1. waa in carruurta yar-yar la baro diinta intayna qaan gaarin, waxaana ugu muhiimsan salaada.
  2. Garaaciddu waa edbinta, ee maaha ciqaab, waa in garaacidu noqotaa mid ku haboon xaalada caruurta.
  3. shareecada islaamku way ilaalisay sharafka qofka, wayna xidhay waddo kastoo fasaad uga iman karo.

Categories

Successfully sent!