Nabiga scw ayaan u imid anigo doonaya inaan islaamo, markaasuu wuxuu i faray inaan ku soo qubaysto biyo iyo gob

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Qays Binu Caasim -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Nabiga scw ayaan u imid anigo doonaya inaan islaamo, markaasuu wuxuu i faray inaan ku soo qubaysto biyo iyo gob.
Sahih/Authentic. - Abu Dawood

Sharaxaad

Qeys bn Caasim baa Nabiga u yimid-naxariis iyo nabadi korkiiye-isagoo inuu islaamo raba, waxuuna Nabigu amrey-naxariis iyo nabadi korkiiye-inuu kusoo meydho biyo iyo caleenta gobka, waayo caleenta gobka waxaa loo adeegsadaa nadaafadda, caraf udgoonna wuu leeyahay.

Benefits from the Hadith

  1. Waa sharci inuu soo qubaysto gaalku markuu Islaamayo.
  2. Diinta islaamku waa diin sharaf leh oo ahmiyad siisey jirka iyo ruuxdaba.
  3. Biyahu haday ku darsamaan wax yaabaha daahirka ah daahirnimadiisa kama qaadayaan.
  4. Halka gobka waxaa galaya wax yaabaha nadaafada loo isticmaalo ee cusub, sida saabuunta iyo wixii la mida.

Categories

Successfully sent!