Nabigu scw wuu u wayso qaadan jiray salaad walba

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Camar Binu Caamir wuxuu ka wariyey Anas Binu Maalik inuu yiri: Nabigu scw wuu u wayso qaadan jiray salaad walba, waxaan ku iri: maxaad sameyn jirteen?, wuxuuna yiri: waxaa ku filnaa midkayo waysadiisa mar hadaanay ka jabin.
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari

Sharaxaad

Nabigu scw salaad walba oo faral ah wuu u wayso qaadan jiray, xataa hadaan waysadu ka burin, waana si uu uga helo ajar iyo fadli. Waxaa banaan in lagu tukado hal wayso salaadaha faral ka ah hal ka badan intuu waysadiisa qabo.

Benefits from the Hadith

  1. Nabigu scw ficilka uu ugu badanaa ee uu samayn jiray wuxuu ahaa inuu salaad walba u wayso qaato, isagoo doonaya sida ugu kaamilsan.
  2. Waa suno in salaad walba loo wayso qaato.
  3. Way banaan tahay in lagu tukado hal wayso hal salaad wax ka badan.

Categories

Successfully sent!