Hadii qofkiin calooshiisa shay ka dareemo, oo uu ka shakiyo in wax ka yimaadeen iyo in kale, yaanu ka bixin masjidka ilaa uu maqlo cod ama uu ur dareemo

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: wuxuu yiri Rasuulka Ilaahay scw-: "Hadii qofkiin calooshiisa shay ka dareemo, oo uu ka shakiyo in wax ka yimaadeen iyo in kale, yaanu ka bixin masjidka ilaa uu maqlo cod ama uu ur dareemo.
Sahih/Authentic. - Muslim

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu cadeeyey hadii qofka tukanaaya calooshiisa ka dareemo dhaqdhaqaaq oo uu kala garan waayo in wax ka yimaadeen iyo in kale, ayaanu salaada ka bixin oo jarin si uu u soo wayso qaato, ilaa uu hubsado inuu jiro shay waysadiisii ka buriyey, taaso ah inuu maqlo neef codkeed ama uu uriyo neef, maxaa yeelay qofka huba waysada shaki kama buriyo, qofkuna wuu hubaa waysadiisii, shayga dhaqaajiyey ayaa shaki ah.

Benefits from the Hadith

  1. Xadiiskani waa asal ka mida asalada Islaamka iyo qaacido ka mida qaacidooyinka fiqiga, waana: yaqiin shaki lagu suuliyo, asalkuna wuxuu baaqi ku ahaanayaa sidiisa ilaa la hubsado wax sidiisa ka duwan.
  2. Shakigu ma saameeyo dahaarada, qofka tukanayaana dahaaradiisii ayuu qabaa ilaa uu hubsado inay burtay.

Categories

Successfully sent!