Ilaahey wuxuu jecel yahay in lala yimaado ruqsooyinkiisa sida uu u jecel yahay in lala yimaado waajibaadkiisa

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Ibnu Cabbaas Allaha ka raali noqdo isagiyo Aabihiise wuxuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu yidhi: Ilaahey wuxuu jecel yahay in lala yimaado ruqsooyinkiisa sida uu u jecel yahay in lala yimaado waajibaadkiisa.
Sahih/Authentic. - Ibn Hibbaan

Sharaxaad

Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa: ha ahaate wuxuu sheegay: in Ilaahay jecel yahay in la qaato ruqsooyinkiisa sharciga ah, sida khafiifinta axkaanta iyo cibaadada iyo in qofkii qaan gaar ah ee cudur daar leh loo sahlo cibaadada sida gaabinta salaada iyo jamcinteeda waqtiga safarka. sidaa Ilaahay wuxuu jecel yahay in lala yimaado waajibaadka uu waajibiyey, waayo amarka Ilaahay ee ruqsada ah iyo waajibaadku waa hal mid.

Benefits from the Hadith

  1. Ilaahay wuu u naxariistay addoomadiisa, wuxuuna jecel yahay in laqaato wixii ruqsooyin ah ee uu jideeyey.
  2. waa kaamilnimada shareecadaan iyo in laga dulqaaday Muslimka wixii dhib ku ah.

Categories

Successfully sent!