Qofka hub nooqaata nagama mid aha

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abii Muusa Alashcari Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey, inuu Rasuulka Ilaahay scw yiri: "Qofka hub nooqaata nagama mid aha".
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu ka digay in muslimiinta hub loo qaato, si loo bajiyo ama loo boobo, qofka xaq daro sidaa u sameeya wuxuu ku kacay dambi wayn iyo danbi ka mida kabaa`irta waawayn, wuxuuna mudan yahay goodigaas adag.

Benefits from the Hadith

  1. Waxaa aad looga digay inuu qofka muslim ka ahi walaalihiisa muslimiinta ah la dagaalamo.
  2. Munkarka iyo fasahaadka ugu wayn dhulka korkiisa waxaa ka mida in muslimiinta hub looqaato, iyo in dhulka dil lagu fasahaadiyo.
  3. Goodiga adag ee la soo sheegay makhuseeyo dagaalka xaqa ah, sida la dagaalanka kuwa sharciga jabiya, iyo mufsidiinta, iyo qayrkood.
  4. Waa xaaraan in muslimiinta lagu cabsi geliyo hub iyo waxa la midka ah- kaftanba ha ahaatee-.

Categories

Successfully sent!