Munaafaqu wuxuu la mid yahay ri' ku wareersan laba ari dhexdood oo kolba mid aadaysa

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Ibnu Cumar Allaha ka raali ahaado isagiyo Aabihiise waxaa laga wariyey in Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate uu yidhi: Munaafaqu wuxuu la mid yahay ri' ku wareersan laba ari dhexdood oo kolba mid aadaysa.
Sahih/Authentic. - Muslim

Sharaxaad

Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu cadeeyey munaafaqa xaalkiisa iyo inuu la mid yahay ri` ku dhex wareertay labo ari kii ay raaci lahayd. Ri`daas oo marna xayntaa arigaa u tagaysa marna xayntaa kale. Munaafaqiintu waxay ku dhex wareersan yihiin Iimaanka iyo kufriga, mu'uminiinta u lama jiraan si muuqata iyo si qarsoon, gaaladana u lama jiraan si muuqata iyo si qarsoon, balse waxay ka ag muuqdaan mu'uminiinta, waxaa uurkooda ku jira shaki iyo walaac, mar waxuu raaci-qalbigoogu-kuwaa, markalana waxuu raaci kuwaa kale.

Benefits from the Hadith

  1. Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa waxaa ka mid ahaa dhaqankiisa inuu tusaale soo qaato si uu macnaha u soo dhaweeyo.
  2. Waxaa lacaddeeyey munaafaqiinta xaalkooda oo ah walaac iyo shaki iyo xasillooni daro.
  3. Waxaa laga digay xaalka munaafaqiinta, waxaana la isku booriyey runta iyo in lagu adkaysto iimaanka daahir ahaan iyo baadin ahaanba.

Categories

Successfully sent!