isagu maalina muu odhan: RabIyow iga dhaaf dambigayga maalinta qiyaame

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Caa'isha raall Allaha ka noqdee waxaa laga wariyey inay tidhi: Waxaan idhi: Rasuulkii Allow, Ibnu Judcaan waqtigii jaahiliga qaraabadiisa wuu xidhiidhin jiray, miskiinkana wuu quudin jiray, arrinkaasi ma anfacayaa? wuxuu yidhi: ma anfacayo, isagu maalina muu odhan: RabIyow iga dhaaf dambigayga maalinta qiyaame.
Sahih/Authentic. - Muslim

Sharaxaad

Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ah ahaate wuxuu sheegay in Cabdillaahi bin Judcaan, oo ahaa islaamka ka hor madaxdii qurayshta Ficilladiisii wanaagsanaa waxaa ka mid ahaa: xidhiidhintii qaraabadiisa, quudinta masaakiinta iyo wax yaabo kale oo islaamku ku boorriyey dadka, wanaaggaa uu qaban jiray ninkaa aakhiradiisa waxba u tarimayso, sababtuna waa inuu Ilaahay ku kufriyey, oo uusan maalinna oran Rabiyow ii dhaaf gafkayga maalinta qiyaamaha.

Benefits from the Hadith

  1. Waxaa la caddeeyey fadliga iimaanku leeyahay, iyo inuu shardi u yahay aqbalida camalka.
  2. Waxaa la caddeyey xumaanta kufriga, iyo inuu ka mid yahay waxa camalka saalixa ah buriya.
  3. Gaalada ma anfacayo camalkooda wanaagsan ee adduunka ay geysanayaan kol haddey rumeynta Alle iyo maalinta aakhiro ka madhan yihiin.
  4. Camalka dadku sameeyo markay gaalada yihiin waa loo qoraa haduu islaamo waa laga abaal mariyaa.

Categories

Successfully sent!