Wax kasta qadar ayey ku dhacaan, xataa wahsiga iyo firfircoonida

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Daawuus waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan soo gaaray dad asxaabtii Rasuulka naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate ka mida, oo oranaya wax waliba waa qaddar, wuxuu yiri: waxaan maqlay Cabdullaahi Binu Cumar oo oranaya: Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu yiri: Wax kasta qadar ayey ku dhacaan, xataa wahsiga iyo firfircoonida.
Sahih/Authentic. - Muslim

Sharaxaad

Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu cadeeyey wax kastaa inay qaddar ku dhacaan. xataa wahsiga: kaaso ah in qofku ka tago wixii waajibka ku ahaa inuu falo, ama uu ka caajiso, oo dib uga dhigo waqtiguu qaban lahaa waajibkaa ku saabsan arimaha aduunka ama aakhirada. Xataa firfricoonida oo ah inuu qofku fiiro gaara u leeyahay arimaha aduunka iyo aakhiro. Ilaahay casa wajala isagaa qadaray wahsiga iyo firfircoonida iyo wax walba, wax kasta oo dunida ka dhaca waa shay ilaahay horay u ogaa oo uu horay u doonay.

Benefits from the Hadith

  1. waa la caddeeyn in Asxaabtu Allaha ka raali ahaadee ay rumaysnaayeen qadarka.
  2. Wax kastaa wuxuu ku dhacaa qadarka Ilaahay xataa wahsiga iyo firfircoonida.
  3. Sugnaanta iyo digtoonaanta asxaabta Allaha ka raali ahaade ee xaga tebinta xadiiska Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate.
  4. waa in la rumeeyo qadark oo dhan kheyrkiisa iyo sharkiisaba.

Categories

Successfully sent!