Dabkiinu waa hal qayb oo ka mida todobaatan qaybood oo naarta jahanama ah

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abuu Hureyra Allaha ka raali ahaade wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate inuu yiri: Dabkiinu waa hal qayb oo ka mida todobaatan qaybood oo naarta jahanama ah, waxaa lagu yiri Ruulka Ilaahayow, dabkaan ayaa ku filaan lahaa. wuxuu yiri: waxay ka sii badan tahay sagaal iyo lixdan qaybood oo dhammaantood kulaylkeeda oo kale wada leh.
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu sheegay dabka aan shidano inuu yahay qayb ka mida toddobaatan qaybood oo naarta jahannama ah. Naarta aakhiro kulaylkeedu wuxuu ka badan yahay dabka adduunka sagaal iyo lixdan jeer, oo qayb kastana u dhiganto kulaylka dabka aduunka. Waxaa lagu yiri: Rasuulka Ilaahayow, naarta aduunka ayaa ugu filan cadaab cidii galaysa. Wuxuu yiri: naarta jahanama waa laga siyaadiyey kuleylka dabka aduunka sagaal iyo lixdan jeer oo dhammaantoo kuleykoodu iyadoo kale yahay.

Benefits from the Hadith

  1. waxaa la isaga digay naarta si dadku uga fogaadan sameynta ficilada naarta lagu mutaysto.
  2. Waa la xusay naarta jahannama waynaanteeda iyo cadaabteeda, iyo kuleylkeeda oo daran.

Categories

Successfully sent!