Xawdka anigo jooga oo eegaya cid idinka mida ee ii soo arooraysa, ayaa dad la iga celin doonaa, waxaanan ku oran: Rabiyow anigay iga mid yihiin oo ummadayday ka mid yihiin

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Asma Bintu Abiibakar Allaha ka raali ahaado iyada iyo aabeheede waxaa laga wariyey inay tiri: Nabigu scw wuxuu yiri: Xawdka anigo jooga oo eegaya cid idinka mida ee ii soo arooraysa, ayaa dad la iga celin doonaa, waxaanan ku oran: Rabiyow anigay iga mid yihiin oo ummadayday ka mid yihiin, waxaa la igu oran: ma og tahay waxay sameeyeen gadaashaa, walaahi kama ay raagin inay dib ugu noqdeen gadaashooda oo diintii ka tageen.
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu cadeeyey inuu maalinta qiyaamaha uu joogidoono xawdkiisa isagoo eegaya cidda ummaddiisa ah ee ku soo arooraysa xawdka. Dad ayaa laga kaxaysan Nabiga scw agtiisa wuxuuna orandoonaa Nabigu: Rabiyow, anigay iga mid yihiin oo ummaddayday ka mid yihiin. Waxaa lagu dhihin: ma og tahay waxay sameeyeen markaad ka tagtay, walaahi kama ay suulin inay dib ugu laabteen gadaashooda oo ay ka noqdaan diintoodii, kaa mid maaha, ummaddaadana ka mid maaha.

Benefits from the Hadith

  1. Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu u naxariistay ummaddiisa uuna u dadaalay.
  2. khatarta ay leedahay in la khilaafo sunada Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate.
  3. Ku boorinta in la qabsado sunada Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate.

Categories

Successfully sent!