xawdkaygu wuxuu le`eg yahay bil socodkeed, biyihiisu way ka cad yihiin caanaha, caraftiisuna way ka udug badan tahay miskiga

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Cabdullahi Binu Camar Allaha ka ralli ahaado isagiyo aabbihiiye waxaa laga wariywy inuu yidhi: Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu yiri: xawdkaygu wuxuu le`eg yahay bil socodkeed, biyihiisu way ka cad yihiin caanaha, caraftiisuna way ka udug badan tahay miskiga, weelashiisuna waa sida xidigaha samada, qofka ku cabba waligii ma haraadayo.
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu sheegay inuu maalinta qiyaame leeyahay xawd, dhererkiisu yahay in loo socdo bil, ballaciisuna intaasoo kale. Biyihiisuna ka cadaan badan yihiin caanaha. Caraftiisuna udgoon tahay kana carfoon tahay carafta miskiga. Kirliyadiisuna sida xidigaha samada oo kale u badan yihiin. Qofka kaga cabba kirliyadaa xowdka waligii ma haraadayo.

Benefits from the Hadith

  1. Xowdka Nabugu scw waa biyo qabad aad u wayn oo ay u soo arooraan mu'uminiinta ummaddiisa ahi maalinta qiyaamaha.
  2. Nicmo ayuu helayaa qofka ka cabba xowdka Nabiga scw oo waligii ma haraadayo.

Categories

Successfully sent!