qiyaamuhu dhicimaayo ilaa aad yahuuda la dirirtaan oo dhagaxa yahuuda ka danbeeyaa yiraaho: muslimow yahuudi ayaa iga danbeeya ee dil

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abuu Hurayra Allaha ka raali ahaadee wuxuu Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate ka wariyey inuu yidhi: qiyaamuhu dhicimaayo ilaa aad yahuuda la dirirtaan oo dhagaxa yahuuda ka danbeeyaa yiraaho: muslimow yahuudi ayaa iga danbeeya ee dil.
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu sheegay in qiyaamuhu uusan dhacayn ilaa ay diriraan muslimiinta iyo yahuuddu. hadii yuhuudigu cararo oo damco inuu dhagaxa gadaashiisa muslimiinta kaga dhuunto, Ilaahay wuxuu ka hadalsiin dhagaxii wuxuuna u dhawaaqin muslimka wuxuuna u sheegin in yuhuudiga ka danbeeya uu dilo.

Benefits from the Hadith

  1. Nabigu SCW. wuxuu sheegay waxyaabo qaybka ka mida ee dhicidoona, hadba inta Ilaahay ka ogaysiiyo waana laabud inay waxaasi dhicidoonaan.
  2. Muslimiintu waxay la dagaalamidoonaan yahuudda aakhiru samaanka, arinkaasina wuxuu ka mid yahay calaamadaha qiyaamaha.
  3. Diinta islaamku way jiridoontaa ilaa maalinta qiyaamaha, diimaha kale oo dhanna way ka sarayn.
  4. Ilaahay muslimiinta cadawgooda waa ka guuleeyey taasna waxaa ka mida in aakhiru samaanka Ilaahay ka hadalsiinayo dhagaxa.

Categories

Successfully sent!