qiyaamaha calaamadihiisa waxaa ka mid ah: in cilmiga la waayo oo jahligu bato oo sinadu badato oo khamriga cabidiisu badato oo ragu yaraado, dumarkuna bataan, ilaa kontonkii dumar ahba hal nin ku soo tooso

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Anas Allaha ka raali ahaade uu yidhi: waxaan idiin sheegin xadiis aan ka maqlay Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate xadiiskaasoo qof aan aniga ahayn uusan idiin sheegayn: waxaan ka maqlay Rasuulka isagoo leh: qiyaamaha calaamadihiisa waxaa ka mid ah: in cilmiga la waayo oo jahligu bato oo sinadu badato oo khamriga cabidiisu badato oo ragu yaraado, dumarkuna bataan, ilaa kontonkii dumar ahba hal nin ku soo tooso.
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu caddeeyey in calaamadaha qiyaamaha dhawaadkeeda ay ka mida tahay in la waayo cilmiga shareecada, oo culumadu dhammaato. Taas waxaa ka imaanaaya inuu faafo oo bato jahligu oo sinada iyo faaxishadu faafto oo khamrada cabideedu badato oo tirada ragu yaraato oo tirada dumarku yaraato, ilaa kontonkii dumar ahba uu ku soo tooso hal nin, kaasoo danahooda iyo maslaxadooda ka shaqaynaya.

Benefits from the Hadith

  1. Caddaynta calaamadaha qiyaamaha qaarkood.
  2. Ogaanshaha waqtiga qiyaamaha wuxuu ka mid yahay waxyaabaha qaybka ah ee Ilaahay kaligi og yahay.
  3. Waxaa la isku booriyey in cilmiga shareecada la barto intaan la waayin.

Categories

Successfully sent!