Maalinta qiyaame qofku ma dhaqaaqayo ilaa la weydiiyo cimrigiisii wuxuu ku dhameeyey, cilmigii Ilaahay baray wuxuu ku sameeyey, maalkiisii halkuu ka keenay iyo halkuu ku bixiyey iyo jirkiisii wuxuu ku dhameeyey

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abii Barsata Alaslami-Allaha karaalli ahaadee- wuxuu dhahay: Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu dhahay: "Maalinta qiyaame qofku ma dhaqaaqayo ilaa la weydiiyo cimrigiisii wuxuu ku dhameeyey, cilmigii Ilaahay baray wuxuu ku sameeyey, maalkiisii halkuu ka keenay iyo halkuu ku bixiyey iyo jirkiisii wuxuu ku dhameeyey".
Sahih/Authentic. - At-Tirmidhi

Sharaxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu sheegay in qofna uusan dhaafayn meesha la isku xisaabinaayo maalinta Qiyaame oo uusan aadayn Jano ama Naar ilaa la weydiiyo arimo: Mida 1aad: noloshiisii wuxuu ku dhameeyey? Mida 2aad: cilmigii uu bartay dar Ilaahay ma ka ahaa? mase ku camal falay? oo ma gaarsiiyey cilmiga cidii xaqa u lahayd? Mida 3aad: maalkiisii halka ayuu ka keeney, ma xalaal mise xaaraan buu ku soo galay?, muxuuse ku bixiyey, ma wax Ilaahay raalli geliya mise wax ka caraysiiya. Mida 4aad: jirkiisii, xooggiisii, caafimaadkiisii, dhallin yaranimadiisii wuxuu ku dhameeyey oo u adeegsaday?

Benefits from the Hadith

  1. Waxaa lagu boorinayaa dadku inay uga faa'iidaystaan nolosha wax Ilaahay raalli gelinaaya.
  2. Nicmooyinka Ilaahay uu siiyey adoomadiisa way badan yihiin, wuuna weydiin doonaa nicmooyikaa maalinta qiyaamaha, sidaa darteed waxaa lagudboon qofku inuu nicmooyinkaa uga faa'iidaysto wax Ilaahay raalli gelinaaya.

Categories

Successfully sent!