kaasi waa shaydaan la dhoho: khinsab, markaad dareento ka cuudu billayso, xaga bidixna saddex jeer candhuuf u tuf

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Cusmaan Binu Abil Caas Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey: Nabiga scw ayuu u yimid oo ku yiri: Rasuulka Ilaahayow, shaydaan ayaa nakala dhex galay aniga iyo salaadayda iyo akhriskayga, isaga oo i khal-khalinaaya, wuxuu ku yiri Rasuulku "kaasi waa shaydaan la dhoho: khinsab, markaad dareento ka cuudu billayso, xaga bidixna saddex jeer candhuuf u tuf", wuxuu yiri: sidaasaan sameeyey Ilaahay ayaana iga kaxeeyey.
Sahih/Authentic. - Muslim

Sharaxaad

Cusmaan Binu Abil Caas Allaha ka raali ahaade ayaa u yimid Nabiga scw wuxuuna yiri: Rasuulka Ilaahyow, shaydaan ayaa kala xiray aniga iyo salaadayda, wuxuuna ii diiday inaan ku khushuuco, akhriskaygana wuu iga khal-khaliyey, shakina wuu iga galiyey. Rasuulku scw wuxuu ku yiri: kaasi waa shaydaan la dhoho: khinsab, haduu kuu yimaado eed dareentid Ilaahay ka hoos gal, oo ka acuudu bilayso, xaga bidixdaadna saddex jeer candhuuf yar u tuf, Cusmaan ayaa yiri: waxaan sameeyey sidaa Nabigu scw ii sheegay, ilaahayna wuu iga kexeeyey.

Benefits from the Hadith

  1. Waa muhiim khushuuca iyo qalbiga oo la soo xaadiriyo salaada dhexdeeda, shaydaankuna wuxuu ku dadaalaa inuu was-waas iyo shaki ku furo qofka tukanaaya.
  2. Waa suno in laga acuudu billaysto shaydaanka markuu salaada was-waas ku furo, iyo in candhuuf saddex jeer loo tufo xaga bidix.
  3. Waa cadayn asaxaabtu inay ahaayeen kuwo u la noqda Rasuulka scw mushkilad kastoo la soo darista, si uu u la xaliyo.
  4. Asaxaabta qalbigoodu wuxuu ahaa mid nool, hamigooduna wuxuu aakho uun.

Categories

Successfully sent!