Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu noo sheegay isagoo Runlow la rumaysto ah: Abuurida midkiin waxaa lagu jamciyaa uurka hooyadi afartan maalmood iyo afartan habeen

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Cabdullaahi Binu Mascuud Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey: Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu noo sheegay isagoo Runlow la rumaysto ah: Abuurida midkiin waxaa lagu jamciyaa uurka hooyadi afartan maalmood iyo afartan habeen, ka dib wuxuu noqon xinjir intaas in le'eg, ka dib wuxuu noqon cad hiliba intaas in le`eg, markaas ayaa loo soo diraa malag, waxaana la faraa afar kalmadood, wuxuu qoraa: risiqiisa, cimrigiisa, camalkiisa iyo inuu yahay mid liibaanay ama hoogay, ka dib naftuu ku afuufin, midkiin wuxuu camal fali camalka Ahlu janaha ilaa marka uu u jiro janada dhudhun wax le'eg ayaa qaddarkii u qornaa soo hormarin wuxuuna camal fali camalka Ahlu naarta markaasuu naarta galin, midkiin ayaa camal fali camalka Ahlu naarka ilaa uu jirsado naarta dhudhun wax le'eg waxaa soo hormarin qaddarkii u qornaa wuxuuna camal fali camalka Ahlu janaha markaasuu janada galayaa.
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Wuxuu yiri Ibnu Mascuud: wuxuu noo sheegay Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate isago runlow ah oo la rumaysto, isagoo Ilaahay rumeystay, wuxuu yiri: midkiin waa la jamciyaa abuuritaankiisa, taasina waa hadii ninku xaaskiisa u galmoodo manidiisu waa baahsan ayaa lagu ururiyaa uurka gabadha muddo afartan maalmooda isagoo candhuuf u eg. Ka dib wuxuu noqon xinjir taaso ah dhiig adag, waana afartanka labaad. Ka dib wuxuu noqon cad hiliba waana cad yar oo la calalin karo, waana afartanka saddexaad, Ka dib Ilaahay wuxuu u soo diraa malag, naftuuna ku afuufa afartanka saddexaad markay dhamaato, Waxaa la faraa malaga inuu qoro afar kalmadood oo ah: Risiqiisa, oo ah inta ay dhan tahay nicmada uu helaayo inta uu nool yahay, Ajashiisa, waana intuu adduunka joogi doono, Camalkiiisa, oo ah mid hoogay ama liibaanay midkuu ahaan doono. ka dib wuxuu Nabigu ku dhaartay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate qofku inuu camalka Ahlu janaha camal falin, kaasoo camal saalixa, sida dadka u muuqata, ilaa markay janada u jiro dhudhun, waxaa loo jeeda markay janada uga dhiman tahay inta qofka dhulka maraya ay uga dhiman tahay wax dhun le`eg waxaa ka qaalib noqda qaddarkii u qornaa wuxuuna camal fali camalka Ahlu naarka oo loogu khatimin naartuuna gali, waayo shardiga lagu aqbalayo camalkiisa waa inuu qofku ku sugnaado camalkiisa saalixa ah oo uusan xumaana ku badalin, mid kale oo dadka ka mida ayaa camal fali camalka Ahlu naarka ilaa uu ku dhawaado inuu galo, waa sida isago naarta u jirsaday wax le'eg dhudhun dhulka ah, waxaa ka kormarin qaddarkii Ilaahay u qoray wuxuuna camal fali camalka Ahlu janaha wuuna galin janada.

Benefits from the Hadith

  1. Meesha ay ku dambeyn ummuuruhu waa sida kolba qaddarka Alle horay u qoray.
  2. Waa laga digay in lagu sirmo muuqaalka camalka, waayo camalka khaatumada uunbaa laga eegaa.

Categories

Successfully sent!