Aniga iyo Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-ayaa weel kaliya ku wada qubaysan jirnay anagoo janaabo qabna, wuxuu i fari jiray, inaan maro guntado, wuuna ila baashaali jiray anoo caado qaba

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Caa.isha, Muminiinta Hooyadood- Allaha ka raali ahaadee- waxay tiri: Aniga iyo Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-ayaa weel kaliya ku wada qubaysan jirnay anagoo janaabo qabna, wuxuu i fari jiray, inaan maro guntado, wuuna ila baashaali jiray anoo caado qaba, wuxuuna soo saari jiray madaxiisa isagoo masaajidka ku ictikaafaya, oo madaxa ayaan u dhaqi jiray anigo caado qaba.
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Caa.isha, Muminiinta Hooyadood-Allaha karaali ahaadee- waxay sheegtay arimo u qaara iyada markay Suubanaha la joogto-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, waxaana ka mida: inay hal weel Nabiga scw kula qubaysan jirtay, oo biyaha hal weel ka wada darsanayeen. Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- marka uu damco inuu u tago iyada oo caado qabta wuxuu fari jiray inay guntato maro daboosha xudunteeda ilaa lawyaheeda, wuuna la baashaali jiray iyadoon galmo jirin. Nabigu scw isagoo masaajidku ictikaafaya ayuu madaxiisa caa`iasha u soo bixin jiray markaasay u dhaqai jirtay iyadoo caado qabta oo gurigeeda joogta.

Benefits from the Hadith

  1. Way banaan tahay inay ninka iyo xaaskiisu weel kaliya ku wada qubaystaan.
  2. Waxaa banaan in tan caadada qabta lala baashaalo wixii aan farjiga ahayn oo jirkeedu daahir yahay.
  3. waxaa suno ah inay gabadhu soo xirato googarad hadii ay caado qabto oo ay ninkeeda la baashaalayso.
  4. waa in la raaco asbaabta diidaysa in xaaraan lagu dhico.
  5. Gabadha dhiiga qabta looma ogola inay masjidka ku raagto.
  6. Waxaa u banaan gabadha dhiiga qabta inay qaban karto waxkasta oo qoyan ama qallayl ah, waxaana ka mida dhaqitaanka timaha iyo shanlayntooda.
  7. xadiiska waxaa ku xugan dhaqankii fiicnaa ee Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ahaa ahaatee- uu kula dhaqmayey reerkiisa.

Categories

Successfully sent!