Ilaahay wuxuu faray in shay walba loo ixsaan falo

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Shadaad Binu Aws Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw labo ayaan ka xafiday isaga oo dhahaya: "Ilaahay wuxuu faray in shay walba loo ixsaan falo, hadii aad wax dilaysaan dilka wanaajiya, hadii aad gawracaysaan gawraca wanaajiya, mididana afeeya, oo neefka u raaxeeya.
Sahih/Authentic. - Muslim

Sharaxaad

Waxuu ka warramey Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiiye-inuu Alle innagu waajibiyey inaan ixsaan iyo wanaag ku falno shay kastoon falaynno, ixsaankuna waa: qofka oo in Illaahey ilaalo innaga hayo xasuus naada mar walba, markuu cibaadaysan iyo markuu kheyr kale falayo iyo khalqiga Alle oo ka dhibaato la'aada, ixsaankaasi waxuu xataa galayaa sida wax loodilayo iyo sida wax loo gawracayo. Ixsaanka qisaastu waa: in loo dooro dariiqa ugu sahlan oo ugu fudud oo ugu dhaqso badan oo nafta looga goyn karo kan la dilaayo. ixsaan falka gawracu waa marka la gawracyo: oo waa in loogu naxariisto neefka in la afeeyo midida, oo aan hortiisa lagu afayn iyado eegaysa, oo xoolo kale oo u jeeda aan la gawricin.

Benefits from the Hadith

  1. Waa Ilaahay naxariistiisa casa wajala iyo u dhimrinta khalqiga.
  2. Ixsaanka dilka iyo gawracu waa inuu ahaado siday shareecadu jidaysay.
  3. Waa kaamilnimada shareecada oo koobaysa khayr oo dhan, waxaana ka mida in loo naxariisto xayawaanka oo loo dhimriyo.
  4. Waxaa la reebay in sar waji lagu sameeeyo dadka marka la dilo ka dib.
  5. Waa la xarimay wax walba oo ay ku jirto ciqaabta xayawaanku.

Categories

Successfully sent!