Allahayow qofkii madax u noqda ummaddayda oo wax ku adkeeya isna ku adkee, midka madax u noqda ummaddayda oo u naxariistana u naxariiso

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Caa'isha Allaha ka raali ahaade waxay dhahday: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay scw isaga oo ku dhahaya gurigaygan dhexdiisa: "Allahayow qofkii madax u noqda ummaddayda oo wax ku adkeeya isna ku adkee, midka madax u noqda ummaddayda oo u naxariistana u naxariiso."
Sahih/Authentic. - Muslim

Sharaxaad

Nabigu scw wuu habaaray qofkastoo madax ka noqda arimaha muslimiinta hayaraado arinkaasi ama ha waynaadee, madaxtinimadaasi ha noqoto mid guud ama mid kooban ee gaara, qofkaasoo madaxtinimadiisa dadka ku dhibaateeya, oo aan u naxariisan, Ilaahay wuxuu ku abaal marin camalkii uu sameeyey noociisa, wuuna ku adkayn. Midkase u naxariista dadka oo u fududeeya arimahooda, Ilaahay ayaa u naxariista oo u fududeeya arinkiisa.

Benefits from the Hadith

  1. Waxaa ku waajiba qofka muslimiinta arimahooda shay ka mida madax ka noqda inuu u naxariisto intuu kari karo.
  2. Abaal marintu waxay ahaataa nooca camalku yahay.
  3. Qiyaasta lagu eegayo waxa wax fudaydin la odhan iyo waxa culeys iyo kadeed la odhan waxuu ahaanayaa waxa aan kitaabka Alle iyo sunnada Nabiga weydaar saeyn ee waafaq san.

Categories

Successfully sent!