Sharaxaad
Nabigu scw wuxuu sheegay inay diinta ku dhisan tahay ikhlaas iyo run, si loogu guto sida Ilaahay u waajibiyey oo kaamila oo aan la yarayn lana qishin.
Nabiga scw waxaa lagu yiri: yey u tahay naseexo? wuxuuna yiri:
Tan kowaad: Ilaahay ayey u tahay isagaa koreeya oo nusqaan ka hufane: waa in loo khaalis yeelo camalka oo aan loo shariig yeelin ", oo aanu rumayno Rabinimadiisa, Ilaahnimadiisa, Magacyadiisa, Sifaadkiisa, arinkiisa oo la wayneeyo iyo dadkoo la gaarsiiyo inay Ilaahay rumeeyaan.
Tan labaad: kitaabkiisa Qur'aanka ah: ayey u tahay: waana inaan aamino inuu hadlkii Ilaahay yahay oo kii kutubtiisa u danbeeyey yahay, iyo inuu nasakhay dhamaan shareecooyinkii isaga ka horeeyey, waa inaan waynayno oo si wanaagsan u akhrino oo ku camal falo quraanka muxkamkiisa, oo aanu u hogaansamo mutashaabihiisa, oo aanu ka tagno kuwa quraanka qaloociya oo bedela, waa inaan ku cibro qaadano waanadiisa, oo cilmigiisa faafino, dadkana ugu yeerno.
Tan sadexaad: waxay u tahay Rasuulka Ilaahay scw: oo ah in la rumeeyo inuu yahay Rasuulkii u dambeeyey, oo aan rumano wuxuu la yimid, oo aanu amarkiisa qaadano, wuxuu naga reebayna ka harno, oo aynaan Ilaahay ku caabudin wixii Nabigu la yimid maahee, oo nabiga xaqiisa waynayno, oo nabiga maamuusno, oo dacwadiisa fidino, oo shareecadiisa faafino, oo tuhunka ka difaacno.
Tan afraad: madaxda muslimiinta ayey u tahay: taasoo ah in xaqa loogu kaalmeeyo, oo aan lagu qabsan madaxtinimada, waana in la maqlo oo lagu adeeco sharciga Ilaahay.
Tan shanaad: muslimiintoo dhan ayey u tahay naseexo: waana in loo ixsaan falo ioo khayrka loogu yeero, oo dhibka laga daayo, oo khayrka lala jeclaado, oo baarinimo iyo taqwo lagula dhaqmo.