(Hadii addoonku jirado ama uu safro waxaa loo qoraa xasanaadkii uu qaban jiray markuu daganaa ee uu caafimaadka qabay)

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abi Muusa Alashcari Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay wuxuu yiri: (Hadii addoonku jirado ama uu safro waxaa loo qoraa xasanaadkii uu qaban jiray markuu daganaa ee uu caafimaadka qabay).
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay fadliga Ilaahay iyo raxmaddiisa, hadii qofka muslimka ahi caadaysto inuu sameeyo camal wanaagsan marka uu caafimaadka qabo ee gurigiisa joogo ka dibna uu ku yimaado wax cudurdaar ah sida jiro oo uu awoodi waayo inuu camalkii suubiyo ama uu kaga mashquulo safar ama wax kale, waxaa loo qoroyaa ajar kaamil ah sidii isagoo sameeyey camalka markuu gurigiisa joogay oo uu caafimaadka qabay oo kale.

Benefits from the Hadith

  1. Ilaahay fadligiisa waasica ah ee uu siiyey adoomadiisa.
  2. Waxaa la isku boorinayaa in lagu dadaalo cibaadada oo laga faa'iidaysto waqtiga caafimaadka iyo firaaqada la ahaysto.

Categories

Successfully sent!