Haduu ninku soo galo gurigiisa, ee uu Ilaahay xuso markuu soo galayo ama uu baxayo ama uu cuntadiisa cunaayo, shaydaanka ayaa dhaha: halkan hoy iyo cashaba kuma lihin

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Jaabir Binu Cabdullaahi-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu ka maqlay Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: " Haduu ninku soo galo gurigiisa, ee uu Ilaahay xuso markuu soo galayo ama uu baxayo ama uu cuntadiisa cunaayo, shaydaanka ayaa dhaha: halkan hoy iyo cashaba kuma lihin, marka uu soo galo ee uu xusi waayo Ilaahay, shaydaankaa ayaa oronaya: hoy iyo casho ayaad soo gaadheen.
Sahih/Authentic. - Muslim

Sharaxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu amray in Ilaahay la xuso marka guriga la galayo iyo cuntada ka hor, marka qofku Ilaahay xuso isagoo dhahaya (bismillaah) maarkuu gurigiisa galayo iyo marka cuntadiisa uu bilaabayo, shaydaanka ayaa ku dhaha taageerayaal kiisa: hoyaatin iyo casho kuma lihidin gurigaan ninkii iska lahaa idinka magan galay dikriga Ilaahay. Hadiise ninku soo galo gurigiisa oo uusan xusin Ilaahay markuu guriga galayo iyo markuu cuntada cunaayo shaydaanka ayaa u sheegaya taageerayaalkiisa inay guriga ku leeyihiin hoyaatin iyo cashaba.

Benefits from the Hadith

  1. waxaa suna ah dikriga Ilaahay marka guriga la galayo iyo marka cuntada la cunaayo, waayo shaydaanka ayaa ku hoyda guryaha dadka dagana cuntadooda cuna hadii aan magaca Ilaahay lagu xusin.
  2. Shaydaanku kor kuu kala socdaa oo wuu ilaashadaa camalka aadanaha iyo wuxuu qabanaayo oo dhan, markuu qaafil ka noqdo xuska Ilaahay ayuu shaydaanku muraadkiisa ka qabsadaa.
  3. Xuska Ilaahay shaydaankuu eryaa.
  4. shaydaan walba wuxuu leeyahay taageerayaal iyo sokeeye ku bishaaraysta hadalkiisa, amaradiisana qaata.

Categories

Successfully sent!