hadii qof idinka mida uu wax cunayo ha ku cuno midigtiisa, haduu wax cabaayana ha ku cabo midigtiisa, waayo shaydaanku wuxuu ku cunaa bidixdiisa wuxuuna ku cabaa bidixdiisa

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Ibnu Cumar Allaha kawada raali ahaado isaga iyo aabbihiibe wuxuu sheegay in Rasuulka Ilaahay scw uu yiri: " hadii qof idinka mida uu wax cunayo ha ku cuno midigtiisa, haduu wax cabaayana ha ku cabo midigtiisa, waayo shaydaanku wuxuu ku cunaa bidixdiisa wuxuuna ku cabaa bidixdiisa".
Sahih/Authentic. - Muslim

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu faray inuu qofka muslimka ahi wax ku cuno kuna cabo gacantiisa midig, wuuna reebay in wax lagu cuno laguna cabo gacanta bidix, waayo shaydaankaa kuna cuna kuna caba bidixda.

Benefits from the Hadith

  1. Waxaa la reebay in shaydaanka looga ekaado ku cunida iyo ku cabida bidixda.

Categories

Successfully sent!