(Qofka meel dega ee dhaha: acuudu bikalimaati Allaahi taamaati min shari ma khalaqa, lam yaduruhu shayin xataa yartaxil min mansilihi daalik)

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
khawlat bintu Xakiim Alsulaymiyah Allaha ka raali ahaade waxay tiri: Rasuulka Ilaahay scw waxaan ka maqlay isagoo dhahaya: (Qofka meel dega ee dhaha: acuudu bikalimaati Allaahi taamaati min shari ma khalaqa, lam yaduruhu shayin xataa yartaxil min mansilihi daalik).
Sahih/Authentic. - Muslim

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu ku hagayaa ummaddiisa inay magan galaan kan wax tarka leh ee ka difaacaya wax walba ee dadku ka baqayaan markay meel dhulka ka mida degaan, ama safar yahay ama dalxiis iyo wixii la mida, waa inuu magan galaa oo difaac ka dhigtaa kalimaadka Ilaahay ee kaamilka ah fadligooda iyo barakadooda iyo nafacooda iyado aan lahayn ceeb iyo naqsi, uuna ka magan galaya wixii Ilaahay abuuray ee shar leh, oo makraa uu ka nabad galo wax walba oo dhib leh inta uu degan yahay meshaa.

Benefits from the Hadith

  1. Magan galku waa cibaado, waana in la magan galo Ilaahay, magacyadiisa iyo sifaadkiisa.
  2. Waa banaan tahay in la magan galo hadlaka Ilaahay, waayo waa sifo ka mida sifaadkiisa, waxaa ka duwan in la magan galo makhluuq Ilaahay abuurey oo iyadu shirki ah.
  3. Fadliga ay leedahay ducadaasi iyo barakadeeda.
  4. Adkaarta oo xirsi xir laga dhigto waxay sabab u tahay in adoonka laga ilaaliyo sharta.
  5. Waa baadil in la magan galo cid aan Ilaahay ahayn sida jinka, saaxiriinta, dajjaaliinta iyo wixii la mida.
  6. Waxaa sharci ah in la akhristo ducadaan marka meel magaalo ah la dego ama safar la yahay.

Categories

Successfully sent!