(Wax fududeeya oo ha adkaynina, oo bishaareeya oo ha hadidinina )

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaadee wuxuu Nabiga scw ka wariyey inuu yiri: (Wax fududeeya oo ha adkaynina, oo bishaareeya oo ha hadidinina ).
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu amray loo fudeydiyo oo loo sahlo dadka oo aan lagu adkayn dhamaan arimaha diinta iyo ta aduunba, taasoo ah xuduudda Ilaahay baneeyey ee shareecadiisu ogoshahay. Wuxuu ku dhiiri galinayaa dadku inay khayrka iyo wanaagga isugu bishaareeyaan oo aanay dadka ka eryin khayrka.

Benefits from the Hadith

  1. Qofka mu'uminka ah waxaa waajib ku ah inuu dadka Ilaahay jeclaysiiyo, oo khayrkana jeclaysiiyo.
  2. Daaciga dadka Ilaahay ugu yeeraya waxaa ku haboon inuu qaab xikmadaysan ugu yeero dadka markuu diinta islaamka ugu yeerayo.
  3. Bishaaraynta waxa ka dhasha farxad, ogolaasho iyo in lagu kalsoonaado daaciga, markuu dadka wax u sheegayo.
  4. Adkayntuna waxay keentaa kala yaac iyo kala jeensi iyo in laga shakiyo hadalka daaciga.
  5. Naxariistiisa balaran ee Ilaahay siiyey adoomadiisa waxaa ka mida inuu uga raali noqday diin fiican iyo shareeco fudud.
  6. Fudaydinta la is faray waa mida ay shareecada islaamku la timid.

Categories

Successfully sent!