waxaa idiinku ikhyaarsan kuwa idiinku akhlaaq fiican

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Cabdullaahi Binu Camar Allah ka raali ahaado isaga iyo aabihiibee wuxuu yiri: Nabigu scw ma ahayn mid af xun oo ma xishoode ah, wuxuuna dhihi jiray: " waxaa idiinku ikhyaarsan kuwa idiinku akhlaaq fiican."
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Kama mid ahayn Nabiga scw akhlaaqdiisa hadalka xun iyo ficilka xuni, mana ahayn mid u qasda xumaanta ama ula kac u sameeya xumaan, Nabigu scw wuxuu ahaa mid akhlaaq wayn leh. Nabigu scw wuxuu oran jiray kan Ilaahay xagiisa idiinku fadliga badan waa kan idiinku akhlaaq wanaagsan, sida wanaag bixinta waji furnaanta, dhib la'aanta, u dul qaadashada dadka, iyo dad la dhaqanka wanaagsan.

Benefits from the Hadith

  1. Mu'uminka waxaa ku haboon inuu ka fogaado fuxshiga, hadlka xun iyo ficilka xun.
  2. Rasuulka scw akhlaaqdiisa kaamil nimadeeda kama soo bixi jirin camal saalixa iyo ereyo fiican maahee.
  3. Akhlaaq wanaagu waa garoon banaan oo lagu tartamo, qofka u dheereeya wuxuu ka mid noqonayaa mu'uminiinta ikhyaartooda ee iimaankoodu kaamilka yahay .

Categories

Successfully sent!