(Qofka Ilaahay la doono khayr diinta ayuu fahansiiyaa

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Mucaawiye Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: waxaan ka maqlay Nabiga scw isagoo dhahaya: (Qofka Ilaahay la doono khayr diinta ayuu fahansiiyaa, anigu qaybiye ayaan ahay, Ilaahay ayaa wax bixiya, ummaddaani ka suulimayso inay xaqa ku taagan tahay mana dhibayso cidii khilaaftaa ilaa amarka Ilaahay yimaado.)
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay qofka Ilaahay khayr la doono inuu ku arsaaqo fahanka diinta, Nabiguna scw uu yahay mid u qaybiya dadka waxa Ilaahay bixiyo ee risiq iyo cilmi iyo wixii la mid ah, arsaaq bixiyaha dhabta ahina uu Ilaahay yahay, wixii Ilaahay ka soo hadhayna ay yihiin sababta aanay waxba tarayn doonista Ilaahay la'aanted, ummaddanina aanay ka tagayn xaqa inay ku taagnaato, cida khilaaftaana aanay dhibi doonin ilaa qiyaamuhu dhoco.

Benefits from the Hadith

  1. Waa fadliga wayn ee cimliga shareecada iyo barashadiisu leeyihiin iyo isku boorintiisa.
  2. Waa lama huraan in xaga lagu taagnaado oo ummaddan laga dhex helo xaga, oo hadii qolo ka tagto qolo kale ay ku taagnaato.
  3. Diinta in la fahmo waa khayr Ilaahay la doonay adoonkiisa.
  4. Nabigu scw wuxuu wax ku siiyaa amarka iyo doonitaanka Ilaahay, isagu waxbana mahaysto.

Categories

Successfully sent!