(Qofka dhaha: laa ilaaha Ilallaah waxdahu laa shariika lahu lahul mulku wa lahul xamdu wa huwa calaa kulli shayin qadiir, toban jeer

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abii Ayuub Allaha ka raali ahaade wuxuu ka wariyey Nabiga scw inuu yiri: (Qofka dhaha: laa ilaaha Ilallaah waxdahu laa shariika lahu lahul mulku wa lahul xamdu wa huwa calaa kulli shayin qadiir, toban jeer wuxuu la mid ahaanayaa qof xoreeyey afar qof oo duriyadii Nabi Ismaaciil ah.)
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay in qofka dhaha: (laa ilaaha Ilallaah, waxdahuu laa shariika lahu, lahul mulku, wa lahul xamdu, wa huwa calaa kulli shayin qadiir) oo macneheedu yahay: mid xaq lagu caabudo ma jiro oo aan Ilaahay ahayn, waa kaligii oo shariig malah, oo Ilaahay isagaa xumaan ka hufane mulkigiisu waa kaamil, wuxuu xag u leeyhay amaan oo dhan iyadoo la jecel yahay oo la waynaynaayo kaligi u gaara, Ilaahay waa awood badane wax walba ka adag. Qofka ku celceliya digrigaa wayn maalin kasta toban jeer, wuxuu helayaa ajarka uu helo qof xoreeyey afar adoon oo duriyadii Nabi Ismaaciil ah, isaga iyo aabbihiiba nabadi korkooda ha ahaatee, wuxuuna ugu gaar yeelay Nabigu scw duriyada Nabi Ismaaciil waayo way ka sharaf badan yihiin dadka kale.

Benefits from the Hadith

  1. dikrigaan fadligiisa waxaa soo galaya in Ilaahay loo kali yeelo Ilaahnimada, Mulkiga, xamdiga iyo qudro kaamil ah.
  2. Ajarka dikrigaan wuu helayaa qofkii si xiriira u yiraahda ama si goos goos ah u yiraahda.

Categories

Successfully sent!