Majiro shay Ilaahay kaga qiimo badan ducada

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariye in Nabigu scw inuu yiri: "Majiro shay Ilaahay kaga qiimo badan ducada."
Hasan/Sound. - Ibn Maajah

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay inaanu jirin shay cibaadada ka mid ah oo Ilaahay agtiisa ka fadli badan ducada, waayo waxaa ku jira ducada in la citiraafo Ilaahay inuu qani yahay Isagaa nusqaan ka hufane, waxa kaloo ku jira ducada in la citiraafo in adoonku tabar yar yahay oo uu Ilaahay u baahan yahay.

Benefits from the Hadith

  1. Fadliga ducada iyo in qofka Ilaahay barya uu wayneeyey oo u qiray inuu qani yahay isagaa xumaan ka hufane waayo faqiir lama baryo, wuxuu qiray inuu samiic yahay waayo dhagool lama baryo, oo kariim yahay waayo bakhiil lama baryo oo uu raxiim yahay waayo qabiid lama baryo oo uu qaadir yahay waayo daciif lama baryo oo uu dhaw yahay waayo mid fog kuma maqlayo iyo sifaadka kale ee Ilaahay waynaantiisa quruxdiisa ku saabsan isagaa xumaan ka nasahane.

Categories

Successfully sent!