Labo eray oo ku fudud carabka, kuna culus miisaanka, Raxmaankuna jecel yahay

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu Nabigu scw inuu yiri: "Labo eray oo ku fudud carabka, kuna culus miisaanka, Raxmaankuna jecel yahay: waa: subxaana Allahi Alcadiim, subxaana Allahi wa bixamdihi."
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay laba eray oo dadku u oran karaan si fudud iyo xaalad kasta oo ay joogaan, oo ajarkoodu ku wayn yahay miisaanka, Rabigeena raxmaankuna jecel yahay. Subxaana Allaahi Alcadiim, subxaan Allaahi wa bixamdihi, ereyadaani Ilaahay waxay ku sifaynayaan waynaan iyo kaamilnimo, iyo in Ilaahay lag nasaho naqsiga isagaa sareeye.

Benefits from the Hadith

  1. Dikriga ugu wayn waa in lagu kulmiyo Ilaahay nasahaadiisa iyo amaantiisa.
  2. Waxaa cad Ilahay raxmadiisa waasaca ah ee uu siiyey adoomadiisa, camal yar ayuu ku abaal marinayaa ajar wayn.

Categories

Successfully sent!