Ilaahey raga uu ugu neceb yahay waa garmaqaataha dooda badan

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Caa'isha Allaha ka raali Ahaade waxay Nabiga scw ka warisay inuu yiri: "Ilaahey raga uu ugu neceb yahay waa garmaqaataha dooda badan."
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay in Ilaahay Isagaa sareeya oo nusqaan ka hufane uu u caroodo midka muranka iyo dooda badan, ee gar maqaataha ah, ee xaqa inuu muran ku difaaco doonaya, ama xaqa ugu dooda si ka baxsan aadaabta iyo xadkii loo baneeyey oo cilmi daro ku dooda.

Benefits from the Hadith

  1. Muranka xun ee la nacay masoo galayo oo kuma jiro dhibanaha xaqiisa u doodaya si shariga waafaqsan.
  2. Muranka iyo dooddu waxay ka mid yihiin aafada carabka ee sababata kala taga iyo kala jeensiga muslimiinta dhexdooda.
  3. Muranka iyo doodu waa wax wanaagsan hadii xaq lagu doodayo qaab wanaagsana loo doodayo, waana wax xun hadii xaq la isku hor taagayo baadilna lagu difaacayo, ama ay tahay mid xaq iyo cadayn aan lahayn

Categories

Successfully sent!