Adoonku wuxuu ugu dhaw yahay Rabigi markuu sujuudsan yahay ee ducada badiya

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade Rasuulka Ilaahay scw wuxuu ka wariyey inuu yiri: "Adoonku wuxuu ugu dhaw yahay Rabigi markuu sujuudsan yahay ee ducada badiya."
Sahih/Authentic. - Muslim

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu cadeeyey in adoonku markuu ugu dhaw yahay Rabigi waa markuu sujuudsan yahay, taasina waa qofka tukanayaa wuxuu dhigayaa dhulka meesha ugu saraysa oo ugu sharaf badan jirkiisa isago Ilaahay casa wajala u khuduucaya, oo isu dulaynaya oo u tawaaducaya isagoo sujuudsan. Nabigu scw wuxuu amray in ducada la badiyo sujuudda dhexdeeda, waayo waxaa kulmaya in Ilaahay la isu duleeyo hadal ahaan iyo ficil ahaanba.

Benefits from the Hadith

  1. Cibaadadu waxay u kordhisaa adoonka u dhawaanshaha Ilaahay, Isagaa nusqaan ka hufan oo sareeyee.
  2. Waxaa suno ah in sujuuda lagu badiyo ducada, waayo waxay ka mid tahay meelaha ducada lagu aqbalo.

Categories

Successfully sent!