qofka khayrka dadka tusa wuxuu leeyahay ajar la mida kan khayrka sameeyey ajarkiisa

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abii Mascuud Alansaarii Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Nabiga scw nin ayaa u yimid wuxuuna yiri: waan gaadiid beelaye gaadiid i saar, wuxuu ku yiri Nabigu scw: "kuuma heli karo", nin kalaa yiri: Rasuulkii Alloow, anaa u tusaya qof saara, Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri-: "qofka khayrka dadka tusa wuxuu leeyahay ajar la mida kan khayrka sameeyey ajarkiisa".
Sahih/Authentic. - Muslim

Sharaxaad

Nin ayaa u yimid Nabiga scw wuxuuna ku yiri: gaadiidkaygii ayaa iga dhintaye, i fuuli gaadiid, oo i sii wax aan fuulo oo i gaarsiiya, wuuna ka cudur daartey Nabigu scw inaanu hayn shay uu fuuliyo, nin kale oo joogay ayaa yiri: Rasuulka Alloow, anaa tusaya qof fuuliya, maraasa Rasuulku scw u sheegay inuu ajarka la wadaagayo kan wax sadaqaystay waayo wuxuu tusay qof u baahan.

Benefits from the Hadith

  1. Waxaa la isku boorrinayaa in kheyrka la is ku tilmaamo.
  2. In la isku booriyo khayrku waa asbaabta keenaysa bulshada muslimka ahi inay is kaashato oo ay is caawiso.
  3. Waasicnimada fadliga Ilaahay sareeye.
  4. Xadiiskani waa qaacido guud oo ay soo galayso acmaasha khayrka ah oo dhan.
  5. Qofku haduuna dabooli karin baahida kan baryaya, waa inuu u tilmaamaa qof kale oo qayrki ah.

Categories

Successfully sent!