Shay ka mida wanaag ha yarysan, haba ahaato inaad kula kulanto walaalkaa waji furan

Scan the qr code to link to this page

Xadiis
Sharaxaad
View Translations
Benefits from the Hadith
Categories
dheeraad/kordhin
Abii Dar Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu dhahay: Nabiga scw ayaa igu yiri: " Shay ka mida wanaag ha yarysan, haba ahaato inaad kula kulanto walaalkaa waji furan."
Sahih/Authentic. - Muslim

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu ku booriyey in wanaaga la suubiyo oo aan la yaraysan wanaaga haba yaraadee, waxaana ka mida waji fornaanta iyo dhoolo cadaynta marka la kulmo, waxaa haboon in qofka muslinku ku dadaalo taas,waayo waxaa ku jira soo dhawayn qofka muslimka ah iyo in la farax geliy.

Benefits from the Hadith

  1. Fadliga ku jira isjacaylka mu'uminiinta, iyo isku dhoola cadaynta iyo weji fornaanta markay kulmaan.
  2. Shareecadaani waa kaamil, wax walbana waa koobaysaa, waxaa ku jira wax kasta oo muslimiinta wanaagooda iyo midnimadoodu ku jirto.
  3. Waxaa la isku boorinayaa wanaaga falitaankiisa haba yaraade.
  4. Waxaa suno ah in muslimiinta la farax geliyo, waayo waxaa ku jira inay is jeclaadaan.

Categories

Successfully sent!